Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa u tartamaya ku dhawaad 17 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.
Qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa idaacadda Risaala u sheegay in doorashada ay bilaabatay , islamarkana lagu wado in Baarlmaanka ay u codeeyaan xubnaha Aqalka Sare.





