Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa digniin hawada u marsiiyay labada xidig ee Madrid sida weyn loola xariirinaayo Mohamed Salah iyo Eden Hazard.
Ramos ayaa maamulka Real Madrid u sheegay sidoo kale in Salah iyo Hazard kooxda lagu soo kordhin xagaagan hadii farxada qolka labiska Bernabua ka jirto ay lumi doonto.
Dan Balon ayaa sheegtay in Ramos madaxda Madrid kala tashtaan ama uu ka tala bixiyo saxiixyada muhiimka ah marka ay kooxda sameeneyso markana uu kasoo horjeestay in Salah iyo Hazard xagaagan kooxda lagu soo biiriyo.
Ramos ayaa maamulka Madrid u sheegay in Asensio la aamino sidoo kalena kooxda wax weyn u qaban karo balse Salah iyo Hazard hadii naadiga la keeno kooxda loolan ka dhex abuuri doonaan.
Sidaa darteed Hazrad iyo Salah inaan la keenin caasimada Spain ayuu Ramos ka shaqeenayaan sida Dan Balon qortay asigoo rabo in Asensio fursad dheeraad ah la siiyo hogaanka Madrid-na isaga lagu dhiso mustaqbalka.


