Ra’iisul Wasaare Xamse oo tababar usoo xiray ciidan si aad ah loo qalabeeyey

Ciidamo ka mid noqonaya ciidanka GorGor Ayaa tababar loogu soo xiray Muqdisho.

ciidankaan oo ku biiri doona ciidanka Gorgor oo uu tababaro Turkiga uuna qalabeeyo ayaa lagu dhaariyey xarunta tababarka Turkisom ee Muqdisho oo tababarka loogu soo xiray.

xiritaanka tababarka waxaa ka qayb halay madax uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barte iyo qaar ka tirsan golahiisa wasiirad. Sidoo kale waxaa ka qayb gakay taliyaha coudanka xoogga Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiya tababarka iyo qalabaynta ciidamada xoigga gaar ahaan ciidanka Gorgor oo ah ciidan si aad ah u qalabaysan.