Qoraal uu Donald Trump goor dhoweyd soo saaray uu ku sheegay inuu Saaka amar ku bixiyay in la duqeeyo Nin qorsheeya weerarada Daacish iyo argagaxisada kale oo ku dhuumaaleysanayey godad lagu burburiyay, lagu laayay argagixiso badan, sida uu yiri.
“Duqeymahan waxaa lagu burburiyay godad ay ku noolaayeen, waxaana lagu dilay argagixisa badan.M ilatarigeenu waxa uu raadinayay Qorsheeyaha weerarrada ISIS muddo sanado ah, laakiin maamulkii Biden iyo saaxiibadiisa si dhaqso ah tallaabo uma qaadin, aniga ayaa taas ku dhaqaayay!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Trump oo aan sheegin goobta ka mida Soomaaliya ee lagu beegsaday Xubnaha Daacish iyo magacyadooda.




