Ra’iisul Wasaaraha “Taageerada UK marnaba ma ilaabi doono”

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu kaga qayb galay Munaasabad lagu xusaayay Dhalashadii Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II.

Munaasabadan ayaa lagu qabtay Xarunta Safaarada UK ee Magaalada Muqdisho oo ku taal Xarunta Xalane, waxaana lagu casuumay Madax uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Safiirka Dowladda UK u fadhisa Somaliya Harriet Mathews, ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay ka soo qayb galka Madaxda Soomaalida Xaflada lagu xusaayo Dhalashada Boqorada dalka UK.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka sheekeeyay taageerada UK ee Somaliya ayaa sheegay in aysan marnaba ilaabi doonin garab istaagi UK ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu aad ugu hambalyeynayo Boqorada dalka Britain Queen Elizabeth Dhalashadeeda, isaga oo tilmaamay in munaasabadani ay muujinayso amaanka ka jira Soomaaliya.

Intii ay socotay Munaasabada ayaa halkaasi waxaa laga soo jeediyay Taariiqda Boqorada dalka UK, Queen Elizabeth oo 90 sano jirsatay.