DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo cafis ufidiyay Maxaabiis

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxa uu cafis ufidyay 13 ruux oo maxaabiis ah kuwaas oo ku xirnaa xabsiyada ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

13-ka ruux ayaa waxa ay ku eedeesnaayeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Maxadweyne Axmed Madoobe ayaa 13-ka ruux ee cafiska ufidiyay ayaa 4 ka mid ah waxa uu amray in si deg deg ah looga musaafuriyo magaalada Kismaayo, iyadoo 9-ka kale ay si caadi ah ugu noolaan karaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa waxa ay xabsiyada ku yaala magaalada Kismaayo ku xirnaayeen 3-dii sano ee la soo dhaafay.

Cafiska loo fidiyay Maxaabiistaan ku eedeesnaa in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa waxa ay ku soo aadeysaa iyadoo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu maalin ka hor uu sheegay in uu cafis ufidinayo qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran magaalada Kismaayo.