Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiida Cali Sharmaake ayaa maanta la sheegaya in uu ku wajahanyahay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka la magac baxay gobolada Dhexe,oo kasoo horjeeda maamulka Galmudug oo ay aqoonsantahay dowladda Soomaaliya.
Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ayaa la sheegaya in ay kulamo la qaadan doonaan maamulka gobolada Dhexe.
Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ayaa la sheegaya in ay ka mid yihiin xubno sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.
Ururka Ahluna Suno ayaa ka soo horjeeda maamulka Galmudug,waxaana la sheegaya in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu ururkaas kala hadli doono sidii ay u raaci lahaayeen maamulka Galmudug


