Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe.
Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha maamulka Puntland, ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka puntland.
Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay socdaalkiisa in uu la xiriiro arrimaha doorashada Somaaliya.
Wafdiga Cumar C/rashiid ayaa loo gudbiyay aqalka madaxtooyada halkaaso lagu wado in saxaafada ay kula hadlaan saacadaha soo socda.


