DHAGEYSO: Galmudug oo soo bandhigtay in ka badan 20 Al-shabaab ah

Maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay soo bandhigeen in ka badan 20 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab oo ay ku soo qabteen dagaaladii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Maxaabiista ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Koonfureed oo Galmudug uu ka taliyo.

Wariyaheena Hanad Maxamed Muuse oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaan wax ka weydiinay.