Isku dhacyo ayaa ciidamada booliska ka hortaga rabshadaha ee dalka Netherlands iyo dad dibadbaxyo dhigaya waxa uu ku dhex maray magaalada Rotterdam, xilli muranka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Turkiga iyo Netherlands uu sii xumaanayo.
Netherlands ayaa musaafurisay wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya.
Booliska ayaa xoog ku kala eryay qiyaastii 1000 qof oo isugu soo baxay bannaanka hore ee qunsuliyadda Turkiga ku leeyahay magaaladaasi.
Wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya ayaa dooneysay in ay taageero u raadiso aftida loo qaadayo dastuurka dalkaasi bartamaha bisha dambe. Aftida ayaa la doonayaa in dastuurka isbadal lagu sameeyo si awood dheeraad ah loo siiyo madaxweynaha.
Dowladda Netherlands ayaa sheegeysa in isu soo baxyada noocaasi ah ay xiisad ka dhex abuuri karaan dalkeeda oo hadda isu diyarinayo doorasho guud.
Fatma Betul Sayan Kaya, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku tagtay magaaladaasi, iyada oo rajeynaysay in ay ka qayb gasho isu soo bax siyaasadeed oo taageero looga doonayay dadka asal ahaan Turkida ah balse haysata dhalashada Netherlands, haseyeeshee waxaa loo diiday in ay gudaha u gasho qunsuliyadda Turkiga ee ku taala magaaladaasi Rotterdam.
Kaya ayaa waxa ay booliska dalkaasi geeyeen xudduudda Netherlands ay la wadaagto Jarmalka, sida uu xaqiijiyay ra’iisalwasaaraha Netherlands Mark Rutte.



