Muqdisho-RisaalaFM- Koox ka tirsan shaqaalaha Kaawada ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo maanta suxufiyiinta kula hadlayay afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa ay ka cabanayaan saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka, oo is hor istaag ku sameeyay shaqooyinkii Kaawada ama dhagax jebinta oo nolol maalmeedkooda ay ka raadsan jireen.
Kooxdan oo tiro ahaan gaareysa ku dhowaad 20 ruux ayaa waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ka codsadeen in uu faragelin ku sameeyo ariintan.
Waxa ay sheegeen caruurtooda in ay ku baaba’ayaan meel cidlo ah oo aysan heysan meel ay ku shaqeystaan, loona baahan yahay in laga hor leexiyo raggan ka tirsan saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee is hor itaaga ku sameeyay.
Muruq maalkani ka shaqeysta jebinta dhagaxaanta Kaawada Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa xilliyada qaar waxa ay dhibaato kala kulmaan howlaha shaqada ay ku guda jiraan, maadaama mararka qaar ay dhacdo in ay ku soo dunto Kaawada.




