DHAGEYSO: Qodobo laga soo saaray wada hadaladii Soomaaliland iyo Khaatuma

Jabuuti-RisaalaFM- Wada hadaladii u dhaxeeyay maamulada Soomaaliland iyo Khaatuma ee maalmahan ka socday wadanka Jabuuti ayaa la soo gaba gabeeyay .

Maamulada Soomaaliland iyo khaatuma ayaa wada hadaladooda waxaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban Sideed Qob, oo labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Warqadda heshiiska ayaa waxaa ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibbada Maamulka Soomaaliland Maxamed Maxile Boqore iyo Madaxa wafdiga Khaatuma Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.

Qodobada ugu muhiimsan ayaa waxa ka mid ahaa in la isla qaato in si sugan looga wada shaqeeyo arrinta nabadeynta Labo beelood oo dega koonfurta Gobolka Sanaag.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay wax ka qabashada arrimaha Abaaraha iyo ilaalinta Degaanka, waxaana Hay’adaha caalamiga ah ugu baaqeen in ay ka howl galaan dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka aanay horey u tagi jirin.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa isla qaatay Guddiga Farsamada in ay diyaariyaan qabashada shirka dambe, soona cayinto goorta iyo goobta lagu qaban doono.

Waxaa la isla qaatay in yoolka Wada-hadalkan uu Saldhig u yahay Is-aaminid, Wada-shaqayn, Nabadgelyo Iyo Horumar dhankastaba ah.

Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibbada Maamulka Soomaaliland Maxamed Maxile Boqore ayaa ka hadlaya heshiiska labada dhinac.

Qodobadan ayaa si weyn markiiba dadka siyaasada odorosaa ay sheegeen in aan wax heshiis ah oo ka duwan kii ugu horeeyey ee labada dhinac yeeshaan ee ka dhacay Addis Ababa waxba ka bedelayn, arintaasna waxay muujinayaan in bay leeyihiin dhabta wada hadalka aan weli la guda gelin ama aan dadka loo sheegin.