QM oo Ukraine ka billowday daadgureynta dadka rayidka ah

Kolonyo ka socda Qaramada Midoobay ayaa ku howlan sidii loo daadgureyn lahaa dad badan oo ku xayiran magaalada Mariupol oo ay ka socdaan dagaallo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Raashiya iyo kuwa Uktaine.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in 500 oo qof ay hadda ka daadgureeyeen warshadda birta ee deegaanka Azovstal ee magaalada Mariupol iyo nawaaxigeeda.

Dagaalyahannada gudaha Azovstal ayaa dagaal quus ah kula jira ciidamada Ruushka ee doonaya in ay hore ugu sii durkaan gobollada bariga Kharkiv iyo Donetsk

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku heshiiyey in aan la aqoonsan deegaan dhuleedka Ruushku uu ka qabsaday Ukraine.