Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab inay tiro madaafiic ah ku garaaceen degaanka Miirtaqwo oo u dhow degaanka Ceelbaraf, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS.
Dadka deegaanka Meertaqwo ayaa sheegay inay madaafiic dhowr ah kusoo dhaceen degaanka, hayeeshee aysan shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay dhankooda weerarka Madaafiicda ah ka jawaabeen, iyaga oo madaafiic ku garaaceen duleedka degaanka Ceelbaraf.
Weli lama shaacin khasaaraha Guud ee ka dhashay madaafiicda labada dhinac ay is weeydaarsadeen, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli 3-dii Bishaan ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku biloowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.



