Qaylo dhaan laga muujiyay Abaaraha Galmudug

Mudug-RisaalaFM- Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ka jira Abaaro aad u daran, kuwaas oo saameeyay Dadka iyo Duunyada ku nool halkaasi, waxaana Abaarahaasi ka hadlay Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegtay Abaaro aad u daran in ay ka jiraan Degaanada Galmudug.

Sidoo kale Naciimo Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug ayaa sheegtay cudurka Shuban biyoodka in uu ka dilaacay Degaano ka tirsan Galmudug, caruur badana ay u geeryoodeen.

Waxa ay Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada Dalka ka jira iyo Hay’adaha Caalamiga ah ugu baaqday in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ay Abaaraha saameeyeen ee ku nool Degaanada Galmudug.