Guddiga ammaanka Gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray amaro cusub oo lagu mamnuucayo in la jaro dhirta , waxaana guddiga ay sheegeen in aysan Aqbali doonin in la xaalufiyo dhulka ,islarkaana arintaasi ay ka dhalan karto dhibaatooyin kala duwan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baledweyne , islamarkaana ka mid ah Saraakiisha guddiga ammaanka ee maamulka Hirshabeelle ayaa Wariyeyaasha u sheegay in amarkaasi ay isla qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Gobolka Hiiraan.
Cali Dhuux Cali Mahad Alle ayaa sidoo kale xusay in ay kulan la qaateen waxgaradka gobolka Hiiraan ,islamarkaana ay go’aan ku qaateen in lala dagaalamo dadka jara dhirta.
Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay in dadka Jara dhirta in ay joojiyaan ,islamarkaana cidii lagu qabto laga qaadi doono tilaabo Waafaqsan.


