Kulan labo maalmood socday ayaa aaqirkii lagu heshiiyey in dib loo celiyo qaxootiga Giriiga jooga
Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga ayaa ku heshiiyey in si wadajir ah loo wada shaqeeyo
Qaxootiga ku sugan dalka Giriiga ee markoodii hore ka tagay Turkiga ayaa hada Turkiga lagu celinayaa
Qaxootiga looma eegayo dalalka ay u dhasheen oo si aan kala sooc ahayn ayaa loo celinayaa
heshiiskan waxaa sidoo kale ka mid ah in midowga Yurub uu ilaaliyo xeebaha Turkiga
Turkiga isagana waxuu doonayaa inuu galo oo uu ka mid noqdo golaha midowga Yurub