DHAGEYSO: Shir looga hadlayo xiriirka maamul goboleedyada oo furmay

Cabdi Naasir Cabdi wasiirka qorsheynta maamulka Koofur Galbeed ayaa ka hadlay shirar looga hadlayo hanaanka ay ku shaqeynayaan maamul goboleedyada oo ka dhacayo magaalada Baydhabo.

Shirka maanta ka dhacayo magaalada Baydhabo ayuu sheegay wasiirka in maamulkooda uu kusoo bandhigi doono baahiyaha ay qabaan si wax loogu qabto shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed.

C/Naasir Cabdi, ayaa sidoo kale sheegay in shirka diirada lagu saari doono seddexda sano ee soo socoto qaabka ay ku wada shaqeyn doonaan maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo maalmahaan ka socday magaalada Baydhabo ayaa looga hadlay waxyaabo badan, waxaase maanta diirada lagu saarayaa sida maamul goboleedyada u wada shaqeyn karaan seddexda sano ee soo socoto.