Wararka inaga soo gaaraya duleedka Degmada Laamu ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegaan in halkaasi Qaraxyo Khasaare geystay lagula eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya.
Ciidamada Qaraxyada lala eegtay ayaa la sheegay in ay Marayeen xadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.
Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayeen Minooyinka dhulka lagu Aaso.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Askar ku dhimatay Qaraxyadaasi.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay ku dhaawacmeen 5 Askari.
Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay goobta Qaraxyada lagula eegtay ciidankeeda, waxana la sheegay in labo gaari oo kuwa dagaalka ah ay ku burbureen Qaraxyadaasi.



