Wararka naga soo gaaraya degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelah Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 20 qof ka dib markii uu ka dilaacay cudurka Shuban biyoodka.
Gudoomiyaha degaanka Xawaadley Cabdulle Macaani Beerow oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in 20 qof ay dhinteen sidoo kale ay jiraan dad badan oo la ildaran cudurka Shuban biyoodka.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in goobo Caafimaad oo lagu daryeelo dadka dhibaateysan in aysan ku oolin degaanka.
Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Hirshabeelle ayuu ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah ay lasoo gaaraan dadka dhibaateysan.


