Ugu yaraan sideed askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.
Gaariga ay miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.
Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay oo maalmahaan kulamo ku aadan arrimaha ammaanka iyo doorashada Jubaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey.
Inta badan dhulka banaanka ka ah magaalooyinka ay ka arrimiyaan Ciidamada Jubaland waxaa ku sugan Al-Shabaab kuwaasoo xiliyada qaar Ciidamada jubaland la beegsada Qaraxyo Miino oo khasaare kala duwan dhaliya.



