Qarax lagu dilay Ciidamo ka tirsan K/Galbeed

Baay-RisaalaFM- Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyooday qarax Miino oo lagu aasay wadada u dhaxeysa Daynuunay iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Saddex Askari oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyootay qaraxa ka dhacay meel lagu magacaabo Buundo Madow oo ku taal duleedka Magaalada Baydhabo.

Askarta geeriyootay ayaa waxa ay saarnaayeen gaari kadibna waxa uu ku istaagay gaarigaasi qarax miino oo halkaasi Shabaab ay ku aaseen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Askartaas geeriyootay, waxayna sheegeen ciidanka qaraxa ay u dhigeen in ay u scodeen xerada ciidamada Daynuunay ee Gobolka Baay.