Gedo-RisaalaFM- Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa Dagaal waqti kooban qaatay waxa uu ku dhexmaray duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay degaanada Faxfax-dhuun iyo Tarako oo ku yaalla duleedka degmada Baardheere, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee gobolkaasi.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar saf balaaran ah wadada ugu galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, kuwaasi oo sahay u galbinayay Ciidamo kale oo Kenyan ah.
Qaar ka tirsan dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen in Dagaalkan Ciidamada ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, uuna jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray.


