Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Jilib & faah faahin laga helayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Saldhig ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha Alshabaab oo ku yaal degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu halkaasi ka dhacay, xilli ay gawaari miinaysan diyaarinayeen Ururka Al-shabaab, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa laga maqley duleedka degma Jilib, waxaana markii hore loo maleynaayey duqeymo diyaaradeed, walow markii dambe laxaqiijiyey in uu ahaa qarax ka dhashey baabuur qarax lagu diyaarinayay

Wararka ayaa sheegaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa.

Ilo wareedyo ayaa ayaa sheegay qaraxa ay ku dhinteen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay qaraxa, iyo halka ay Al-shabaab la damacsanaayeen