Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Kenya

Sida ay Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta dalka Kenya Saddex qof ayaa dhimatay kadib markii gaari ay saaraayeen ay miino kula qaraxday gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gaariga ayaa la sheegay inuu u kireysnaa hay’ad samafal oo la lagu magacaabo ADESO oo ka howlgasha Soomaaliya.

Gaarigan ayaa marayey inta u dhaxeysa Kullan iyo Liboya ee degmada Gaarisa markii uu qaraxa haleelay.

Saddexda qof ee ku dhintay ayaa lagu sheegay darawalkii gaariga, sarkaal ka tisanaa shaqaalaha hay’adda iyo qof shacab ah oo ay dhex ka sii qaadeen.

Gaarigan ayaa ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee Soomaaliya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ka xun yihiin in Qarax lala beegsado dad u shaqeynaayay hay’ad Samafal, isagoona ku hanjabay in Al-Shabaab ay ku qaadi doonaan howlgal culus.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay laba jibaaray Weerarada ay ku hayaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.