DHAGEYSO: Faahfaahin qaraxii oo ka dhacay Maqaaxida Al-hindi.

Afhayeenka Maamulka gobolka banaadir oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ku dhawaad 5 qof ay dhinteen 4 qofna ay ku dhawacmeen.

 

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa gaari la hordhigay Maqaaxi lagu magacaabo Alhindi oo ku taala dhabarka dambe ee Xarunta dowladda hoose, maqaaxida ayaa ka dhow hotel maleyka  .

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa goobta Xiray,waxaana halkaa Gaadiidka Gurmadka Deg dega ah ay ka gurayaan Dadkii ay waxyeeladu ka soo gartay.

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay mar kaliya maqleen dhawaqa Qaraxa gaariga iyo qiiq cirka isku shareeray oo mar kaliya la arkay.