Faah Faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad goleedka Hirshabeelle
Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Xoolaha ee Jowhar waxana uu sababay dhimasho iyo dhaawac .
Wararka ayaa sheegaya sheegaya in in Hal qof uu geeriyooday mid kalena uu dhaawacmay .
Qofka geeriyooday ayaa ahaa oday ka mida ganacsatada xoolaha ee suuqa Xoolaha ee Jowhar ka shaqeysata sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Risaala Goob joogayaal ku sugan suuqaas.
Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku nafwaayay xoolo gaaraya 12 Neef oo geela oo suuqa loo iibgeeyay
Suuqa Xoolaha ee Magaalada Jowhar ayaa Maalin kasta oo Sabti ah Waxaa la keenaa Xoolo badan si loogu iibiyo.



