Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo   buuxiyay kaas oo ka dhacay Dhabar dambe ee Guriga Hooyooyinka ee degmada Xamae Weyne.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah waddo ay isticmaalaan inta badan gaadiidka masuuliyiinta dowladda ee ku socda madaxtooyada.