Wararka ka imaanaya Qaahira waxay sheegayaan in maanta la qarxiyay kaniisad ku taalla halkaasi.
Warbaahinta gudaha ee dalkaasi waxay sheegayaan in 26 qof ay ku dhinteen qaraxa, in kabadan 30 kalena ay dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay ku cibaadeysanayeen masiixiyiin ku sugnaa kaniisadda.
Kaniisada waxaa iskalahaa Qibdhiyiinta dalka Masar, kuwaas oo boqolkiiba 10 ka ah shacabka dalkaasi.
Weerarada ka dhanka ah Qibdhiyiinta ayaa dhowaanahan sare u kacay.
Sidoo kale, qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi Masar waxaa kla taagan rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo Qibdhiyiinta.


