Daacish oo qabsatay magaalada Palmyra

Kor-joogtada dalka Suuriya ayaa sheegaya in ururka daacish markale uu la wareegay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra.

Magaaladaas ayaa daacish laga saaray dhowaan ka dib dagaal culus, iyo Ruushka oo dhanka hawada ka duqeeyay.

Moscow Ruushka ayaa xalay shaaciyay in duullaanka daacish ay ka hortageen.

Balse hadda waxay aaminsan yihiin in ciidamada dowladda Suuriya ay dib uga gurteen Palmyra.

Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab

Erdogan oo difaacay duulaanka Suuriya

Qorshaha xalka Suuriya oo la soo bandhigay

Dagaalyahanada daacish ayaa sabtidii qeybo ka mid ah magaalada qabsaday.

Dhanka waqooyiga, 10 kun oo qof ayaa la aaminsan yahay inay ka qexeen qeybta ay mucaaradka mulaan ee Xalab.

Bariga magaaladaasi waxaa ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya dagaal yahanada mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya Ruushka.