Qarax ka dhacay Hotel Naasa Hablood 1 iyo weerar toos ah oo ka socda gudaha Hotelka

Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar toos ah lagu qaaday Hotelka Naasa hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee magaalada Muqdsho.

Qarax xoogan ayaa lagu dhuftay Albaabka hore Hotelka Naasa Hablood 1 waxaana la sheegaya intaas ka dib in ay gudaha u galeen dableey Hubeysan.

Gudaha Hotelka ayaa la sheegaya in ay ka dhacaayaan rasaas xoogan oo ay ridayan kooxihii gudaha u galay Hotelka Naasa Hablood 1

Khasaaraha ka dhashay lama oga .

Waxii kusoo kordha kala Risaala.net