Muqdisho-RisaaalFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan degaanka Tareedisho.
Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen dhowr qof, oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda Hormuud, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.
Qaraxan ayaa waxaa ku geeryootay laba qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud, sida uu Risaala u xaqiijiyay mid ka mid ah shaqaalaha Shirkadda.
Ilaa hadda si dhab ah loma oga cid bartilmaameedka uu ahaa iyo halka ay ka tirsan yihiin raggii ka dambeeyay falkan qaraxa ah ee lala beegsaday shaqaalah shirkadda.
Maamulka degaanka iyo Saraakiil Ciidan ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen.


