Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
nooca qaraxa ayaa la sheegaya in uu ahaa Bam Gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka titsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo Suuqa Xoolaha ee Degmadaasi ka qaadayay Lacag Canshuur ah sida ay sheegeen Goobjoogeyaal.
dad goobjoogyaal ah ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Risaala in ay dhinteen 3 qof tiro intaas ka ka badan ay dhaawacmeen.
Sidoo kale Waxaa halkaa ku baaba’ay Xoolo lagu iibinayay Suuqa Weerarka lagu qaaday.
xaalada Suuqa ayaa kacsan waxana goobta isku gadaamay ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya.


