Xildhibaano ka tirsan xukuumadda Jubilee ayaa soo jeediyay sharci ay doonayaan in kowntiyada 47 ah ee dalka laga dhigo 10 kownti.
Xildhibaan Asman Kamama ayaa u sheegay gudiga sharciga qaar ka mid ah arimaha lasoo jeediyey ee ku aadan yareeynta kawntiyaasha.
Tirade ayaa culays ku noqotay dhaqaalihii wadanka,sida ay qabaan mudanayaasha soo jeedinaya barnaamijkan
Mr Kamama ayaa u sheegay guddiga uu hogaaminaayo Njoroge Baya, in dalkaa uu dhibatoonayo inuu maalgeliyo kawntiyaasha oo ah 47,xalka keliyana uu yahay in la yareeyo
“Waay ku adagtahay dawladda in ay kharash gareeyso kawntiyaasha badan, sidoo kale xaalada musuqc maasuqa ee dalka ayaa sii xumaaneysa” ayuu yiri Kamama.
Kawntiyaasha cusub ee lasoo jeediyey waxaa kamid ah Xeebta, Bariga kore, Bariga Hoose, Bartamaha, Nairobi, Waqooyiga Rift Valley, Koonfurta Rift Valley, Nyanza, galbeedka iyo Waqooyi Bari.
Dawladdaha kawntiyada waxaa la aasaasay doorashadii guud ee lasoo dhaafay , sababtuna waxaa ay ahayd in shacibka iyo dawlada lai sku soo dhoweeyo, ayna kamid tahay hirgelinta dastuurka cusub 2010.
Radio Risaala broadcast online 24 hours a day, seven days a week. Radio Risaala brings you the friendly voices of the community. As a community station, We also have religious programs, sport, local news and interviews etc.


