Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Waabari  gaar ahaan waaxda Hanti Wadaag, qarax gaari lagu xiray ayaa Caawa wuxuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxan oo ah nuuca loo yaqaan dhajiska, ayaa waxaa lagu qarxiyay gaari nuuca raaxadda ah, sida dadka degaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Maamulka degmada Waabari ayaa Risaala u xaqiijiyay in ay waddaan baaritaano,islamarkaana uu jiro Khasaare.

Ciidanka ammaanka oo tagay goobta ayaa xiray nawaaxiga goobta qaraxa gaariga uu ka dhacay, halkaasi oo baaris ay ka sameeyeen sida maamulka ay xaqiijiyeen.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ee dhajiska loo yaqaan, ayaa waxa ay Shabaab ku xiraan gaadiidka ay leeyihiin xubnaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya u shaqeeya.