Qarax 71 ruux ku dhinteen oo Pakistan ka dhacay (Daawo Sawirada)

Koox ka go’day  Taliban ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyo ka dhacay goob ku taala magaalada Lahore ee dalka Pakistan oo ay ku dhinteen inka badan 70 ruux oo caruur ay ku jiraan.

Garabka Jamaartul Ahrar oo ah garab ka go’ay Taalibaan ayaa sheegay in weerarkaasi ay la eegteen dad karishtan ah oo u dabaal dagayay maalinta Easter-ka.

Waxaa goobta lagu  arkayay waalidiin badan oo ka baadi goobaya goobta weerarka uu kadhacay  caruur ay dhaleen.

Madaxweynaha Pakistan ayaa weerarka cambaareeyay waxaana gudoomiyaha gobolka weerarka uu ka dhacay ku dhawaaqay seddex maalin oo baroordiiq ah.

Ugu yaraan 300 oo ruux ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxa waxaana laga baqayaa iney dhimashada intaasi kasii badato.

 

_88966469_23118aa4-df35-4457-b0a8-230e97e77d08 _88966463_b8617740-8d3e-41f1-96e5-70fe8d6bd08b _88966461_90c9051b-adcb-4eac-b99f-7f04300c1e13 _88966407_cf61242e-38b2-4d7c-b752-4fa119ba58a8 _88966405_fcbb79c6-b711-4330-bd3b-c63d74940f36 _88966340_88966245