Toddobo dhalinyaro Soomaali ah oo maxkamad lasoo taagayo

Todobo ruux oo Soomaali ay oo loo heysto burcad badeednimo ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadada lasoo taago maxkamad ku taala dalka faransiiska, kadib markii la sheegay iney qeyb ka ahaayeen afduub loo geystay dooni nooca raaxada oo ay la socdeen lamaane Faransiis ah.

Kooxaha burcad badeeda ayaa la sheegay in lasoo taagi doono maxkamada ku taala magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana loo heystaa dilka milkiilaha doonida oo xiligaasi dalxiis ku jiray iyo waxyeelo soo gaartay xaaskiisa.

Bishii September sanadkii 2011 ayaa la shegay in dhacdadaan ay dhacday kadib markii dadka doonida saarnaa oo dalxiis ahaa ay ka warheleen weerarka kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Markaasi kadib ayaa ciidamada dowlada Spain ee la dagaalanka burcad badeeda waxay baadi goob u galeen kooxaha falka geystay, iyaga oo markaasi toogtay labo kamid ah kooxda, halka todobada kale ay gacanta ku dhigeen.

Evelyne Colombo, oo aheyd xaaska milkiilaha doonta ee la dilay ayaa sheegtay in seygeeda meydkiisa lagu tuuray badda, iyadana ay badbaadiyeen ciidamada la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Maxmakadeynta dhalinyarada Soomaalida ee loo heysto burcad badeednimada oo da’dooda tahay 25 ilaa 32 sano jir, ayaa bilaabaneysa maalinta beri ah oo taariiqdu tahay 29 March.

Haddii dhalinyarada Soomaaliyeed ay qirtaan iney falkaasi ka dambeeyeen waxay wajihi karaan xabsi daa’in.