Inka badan 50,000 oo caruur ah oo ku sugan dalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney wajahayaan xaalad qatar ah sababo la xiriira abaaro ka jira qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Tan iyo waxii ka dambeeyay markii digniinaha ay bilaabeen xafiisyada hayada arimaha bini’aadanimada ee QM ee UN-OCHA ayaa la sheegay in xaalada nafaqo daro ay soo korortay.
Waxaana hayada ay ku dartay in ku dhawaad hal milyan oo Soomaali ah oo qeyb kamid ah 12 qeybood marka shacabka loo qeybiyo ay wajahayaan cunti yari baahsan.
Waxyaabaha sababay abaaraha qaar kamid ah gobolada dalka ka jira ayaa lagu sheegay iney qeyb ka tahay duufaantii El Nino iyo hawo xumaan ka jirtay qaar kamid ah wadamada bariga iyo koofurta Africa.
Dad badan oo kamid ah dadka abaaraha ay heysato ayaa la sheegay iney yihiin dadkii sanado ka hor ku dhex barakacay dalka kadib dagaaladii ka dhacayay qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.
Warbixinta hayada Qaramada Midoobay ee arimaha bini’aadanimada ayaa lagu sheegay in 40 % ay u baahan yihiin caawinaad dhanka bini’aadanimada oo deg deg ah.
Abaaraha ayaa sidoo kale la jira dalka Ethiopia oo deris la ah dalka Soomaaliya waxaana la sheegayaa in inka badan 10 milyan oo ruux ay u baahan yihiin caawinaad cunto, maadaama aysan helin xili roobaadkii lasoo dhaafay.
Dowlada Dalka Zimbabwe ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in xaalad masiibo ay ka jirto dalkaasi maadaama abaarta ay saameysay meelo badan oo dalkaasi kamid ah.


