Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa codsi u gudbiyey Koongareeska Maraykanka ku weydiistay in la fasaxo dhaqaale ka badan 1.5 bilyan oo dollar oo lagula dagaalamo cudurka kaneecada faafiso ee ZIKA.
Obama ayaa sheegay in lacagtan lagu maalgelin doono cilmi baarista iyo sameynta daawooyinka looga hortago cudurkan oo si gaar ah halis ugu ah haweenka xaamilada ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in qeyb kamid ah lacagtan lagu sameyn doono xarumaha ka hortaga cudurkan ee wadamada uu sida weyn u saameeyey.
Dalalka Brazil iyo Colombia ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin wadamada uu hada sida xawliga ah ugu faafay cudurka ZIKA, sidoo kale wadamada America qaarkooda sida gobalada Maraykanka gaar ahaan Texas ayaa la sheegay in la helay shaqsiyaad qaba cudurkaasi.
Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa horey u sheegtay in cudurkan ZIKA uu yahay mid khatar ku ah caalamka oo dhan, isla markaana filayaan inuu ku faafo Qaaradaha kale sida Afrika iyo Aasiya.


