Qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda Puntland oo Maanta la dhaariyey+Sawirro

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada  Dowlad Goboleedka  Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe.

Wasiirada Cusub ee saaka la dhaariyey ayaa waxaa ay kala ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiir ku-xigeenka Wasaardda Cadaaladda Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Axmed Cabdirxmaan Xirsi.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna maamulaha xafiiska Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey dhaarinta sadexda Wasiir ee maanta ka qabsoontay Xafiiska Madaxweynaha Puntland..

“Waxaa qasriga Madaxtooyada  Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey sadex wasiir oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiir ku-xigeenka Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdirxmaan Xirsi” Ayuu yiri Ku-simaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Cabdicasiis Maxamuud Maxamed

Waxaa goobjoog ka ahaa goobta dhaarinta  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan maxkamada sare ee Puntland, Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland,

Madaxweyne Siciid Deni waxa uu kula dardaarmay Wasiirada cusub in ay u shaqeeyaan dalkooda si karti leh, aqoon leh, cadaalad leh, ayna si siman ugu shaqeeyaan shacabka Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed.