Qaabilada Ergada ka qeyb galeysa Shirka Dhuusamareeb oo bilaabatay

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa saacadihii la soo dhaafay gaaray qaar ka mid ah Ergooyin ka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug oo dhawaan halkaasi ka furamaya.

Ergadii ugu horeysay oo Dhuusamareeb gaartay ayaa waxaa qaabilay xubnaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo kala hadlay sidii uu si wnaagsan ugu qabsoomi lahaa Shirkaas.

Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ayaa waxaa ay ka dalbadeen Odayaasha Dhaqnaka ee degmooyinka kale inay shirkaasi ka qeyb galaan,isla markaana uu muhiim u yahay danta dadka ku nool deegaannada Galmudug.

Ammaanka Magalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana Magalada siwadajir ah Ammaanka u sugaya Ciidamada Millateriga,Nabadsugida iyo Booliiska Soomaaliya oo dhawaan halkaasi la geeyay.

17-Bishaan oo ka harsan tahay laba Cisho oo kaliya ayaa la filayaa in shirkaasi uu furmo,waxaana xusid mudan in Odayaasha Dhaqanka Beelaha qaar sida kuwa Magalada Cadaado ay gebi ahaanba qaadaceen shirkaasi ka qeyb galkiisa.