Dhageyso:-Wasiir Cawad oo faah faahiyay kulankii Madaxweynaha Soomaaliland

Habeen ka hor waxaa dalka sacuudiga gaar ahaan magaalada Mina oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabi & Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya,waxaana kulankaasi faah faahiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya.

Wsiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay isku dhex arkeen Masjid,isla markaana isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda ay halkaasi ku arkeen Madaxweyanaha Soomaaliland salaana ugu tagen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in kulankaasi ay isku muujiyeen inay ahaayeen dad walaalo ah oo isku hiloobay,hayeeshee kulankaasi uusan aheyn mid siyaasadeed oo gaar ahmhayeshee kaliya halkaasi u tageen arrimo la xiriira xakja

Kulankii Magalada Mina ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaliland & Wasiiro ay ka mid ahaayeen, Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu noqday mid saacadihii la soo dhafay aad looga hadak haayay Baraha Bulshada.