Q.M “500 oo qof ayaa ku dhimatay bada”

Qaramada Midowbay ayaa sheegtay in ay dhinteen in ka badan 500 oo Tahriibayaal ah, kuwaas oo u badan dad Soomaaliyeed oo ka soo baxay xeebaha dalka Masar, markii ay la dagtay doonidii ay saarnaayeen 12-kii bishan April sida ay xaqiijisey Hay’adda Q.M u qaabilsan Qaxootiga Aduunka.

UNHCR waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in ay dhimashadan dhacday, markii ay dadka waayeen wax gurmad deg deg ah oo lasiiyo, waxa ayna qireen in dadka yar ee lasoo badbaadiyey ay Soomaali yihiin.

UNHCR waxey sheegtay in dadka bad-baaday oo dhan 41 qof ay ka kooban yihiin 37 rag ah, saddex dumar ah iyo ilmo yar oo saddex sano jir ah.

Dadkan ayaa waxaa bad-baadiyay markab ganacsi ah oo gurmad u fidiyay, oo u qaaday dalka Giriigga April 16-keedii.  Dadkan la bad baadiyay ayaa isugu jiray 23 Soomaali ah, 11 Ethiopian ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay Sudan.

Dadkan ayaa xasuusta inay ka mid ahaayeen 100 ilaa iyo 200 oo qof oo ka soo baxay dalka Libya iyagoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga.

Kaddib dhowr saacdood oo ay badda ku jireen, ayaa mukhalasiintii waday, waxay isku dayeen inay ku wareejiyaan markab kale oo weyn oo isagiiba ciir-ciiraya, kaasoo markii danbe badda ku dagay.