Saraakiil ka socda Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa kor meeray Xarumaha Caafimaadka Gobolka Mudug oo ay ku jiraan Xarumaha Daaweynta xanuunka COVID-19, Shaybaarka lagu baaro xanuunka COVID-19 iyo Xarumaha kale iyagoo u kuurgalay adeegyada ay bixiyaan xarumahaas.
Intii booqashadu ay socotay waxay la kulmeen Masuuliyiinta heer gobol sida Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug .
Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Galkacyo iyo Masuuliyiin kale iyagoo ka dhagaystay Warbixino la xiriira howlaha caafimaad ee ka socda xarumaha caafimaadka Gobolka iyo baahiyaha ay qabaan.
Masuuliyiinta ayaa kula dardaarmay shaqaalaha ay kula kulmeeen xaruma ay booqdeen kula dardaarmay inay kor uqaadaan adeega bulshada ay uhayaan.



