Puntland oo faah faahisey dagaalkii ka dhacay Sanaag

Taliska Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal saaka Ciidamada Soomaaliland & kuwa Puntland ku dhexmaray deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag.

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa waxaaa lagu sheegay in saaka arroortii hore in Ciidamo ka tirsan Soomaaliland weerar kusoo qaadeen Ciidamada Puntlamd,hayeeshee ay iska difaaceen.

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacida dhulkeeda,waxaana loogu baaqay Shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda,waxaana baaq loo diray dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka.