Puntland oo qabatay xubno ka tirsan Shabaab

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ee ku sugan degaanka Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay  sheegeen in ay qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada maamulka Puntland ee Sanaag ayaa sheegay in dadkaasi ay ka yimaadeen Magaalada Burco ,islamarkaana ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ay gaarayaan dadka ay qabteen 10 qof oo isugu jira rag iyo Dumar.

Fu’aad Xanaano taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan Sanaag ayaa sheegay in dadkaasi ay saarnaayeen gaari Saaruf ah.

Dadkaan ayuu tilmaamay in ay horay u mareen degaanka ayna ku jiraan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay baadigoobayeen.