DAAWO SAWIRRADA: 35 qof oo ku dhimatay Qarax xooggan

Ugu Yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay tiro intaasi kabadana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Magaalada Kapul ee Caasimadda dalka Afghistaan.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa  laga soo xigtay in Qaraxaasi sidoo kale ay ku dhaawacmeen 46 qof oo shacab ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay  Xaafad lagu magacaabo Dehbori  oo ay ku badan yihiin dadka Shiicadda ah.

Najib Danish oo ah Afhayeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi ayaa sheegay in Qaraxa lagu dhuftay bas ay saarnaayeen Shaqaale ka tirsan Wasaarada macdanta.