Puntland oo qabatay Ajaanib Shabaab lagu tuhmaayo

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen saddex Nin oo Ajaanib ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dadkaasi ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ka fuliyeen ciidamada Ammaanka degaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Waxaa ay wateen dooni, waxaana la socday nin Soomaali ah sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa Risaala u xaqiijiyay in dadka ay qabteen ay u dhasheen dalka Yemen,islamarkaana ay ku waddaan baaritaano kala duwan.

Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale tilmaamay in dadkaasi yihiin kalluumeysato iyo in ay ka tirsan Al-Shabaab ay baarayaan ,laakiin ay qabaan Shaki ku aadan Shabaabnimo.