Muqdisho-RisaalaFM- Kooxda Puntland ayaa galabta ku guuleysatay Tartanka maamul goboleedyada dalka, kadib markii Rigooreyaal 5 iyo 3 ah ay kaga adkaatay kooxda Jubbaland.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.
Ciyaartan oo waqti badan qaadatay ayaa labada kooxood waxa ay Doonayeen mid walba in guusha dhankeeda ahaato balse waxaa koobkaas nasiib u yeeshay kooxda Puntland.
Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa ka socda Munaasabado loogu dabaal degayo guusha ay gaartay kooxda Puntland.