Puntland oo fariin digniin ah u dirtay Somaliland

Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Amniga maamulka Puntland Axmed C/laahi Yuusuf ayaa Somaliland ugu baaqay muhiim in ay tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha amniga, si shacabka labada dhinac ay u nabad galaan.

Axmed C/laahi Yuusuf ayaa maamulka Somaliland ka dalbaday in ay yareeyaan wax walba oo dhib keenaya, si loo helo xal walba oo nabad iyo wada noolaansho lagu heli karo.

Wuxuu sheegay Wasiirka Amniga maamulka Puntland Axmed C/laahi Yuusuf hiigsiga ugu weyn in uu yahay sidii loo heli nabad waarta, lagana gudbo khilaafka marwalba dhasha.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland in ay yareeyaan wax walba oo dhib keemaya, waa wax iyaga u fiican, anagana inoofiican, ilaahay dulmiga ma jecla, wixii dulmiga bilaabana way dumaan, Puntland nabada ayay jeceshahay”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga.